Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Digniin Adag Udiray……
July 11, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliska guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa waxaa ay digniin adag u direen dadka ku nool deegaanada Xeebaha ee Somaliland.
Waxaa sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca baddaha Somaliland.
Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa uga digay dadka degan deegaanada xeebaha Somaliland in ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootarabanka uu ka mid yahay hubku, sida lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay ciidanka ilaalada xeebaha.