Shirkadaha Telesom, Somtel iyo SO! Oo Ku Tartamay Mashruuc Loo Fulinayo Xukuumadda Somaliland
July 11, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Afar mashruuc oo loo fulinayo Xukuumadda JSL.
Guddiga Qandaraasyada ayaa Afarta mashruuc oo ay ku tartameen in ka badan 20 shirkadood daah-furay Isniintii Toddobaadkii hore, waxaanay mashaariicdani kala ahaayeen barnaamijka Isku xidhka hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda, Dhisme Cusub oo lagu kordhinayo Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada Gar-adag oo cusbitaal loo beddelayo, Dhisme Cusub oo loo dhisayo Xeer ilaalinta Qaranka iyo Dhismaha Xarunta Isku-xidhka Hay’adaha Dawladda.