Dawlad Jabuuti Oo Iibinaysa Saami Ka Mid Ah Shirkadeeda Is-Gaadhsiinta
July 13, 2021 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaacisay qorshe ay saami ka mid ah shirkadeeda is-gaadhsiinta uga iibineyso shirkado gaar loo leeyahay si shirkadda is-gaadhsiinta ee dowladda loo horumariyo isla markaana wax looga beddelo maamulka shirkaddaas.

Waxaana tallaabadan looga golleeyahay in lagu dhaqaaqo iskaashi dhanka istaraatiijiyadda oo saami looga iibinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.