Ehelada Gabadh Kufsi Iyo Dil Loogu Haystay Magaalada Hargaysa Oo Baaq Culus Udiray Xukuumada.
July 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ehelada gabadh kufsi iyo dil loogu haystay Xaafada Maxamed Mooge ee magaalada hargaysa ayaa ka hadlay dil iyo kufsi loo gaystay marxuumad lagu magacaabi jiray Hinda Cumar taasi oo falkan ay ugaysteen sida ay eheladu sheegeen wade bas iyo kirish boygii la socday.
