Markab Ganacsatada Somaliland U Siday Hanti Lagu Qiyaasay 5 Milyan Dollar Oo Ka Goostay Dekedda Berbera, Isagoon Shixnaddii Laga Rogin
July 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin.
Warar uu helay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.
Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka.