Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Garan-weyday Inay Cisbitaal Geyso Afhayeenka Dhallinyarada WADDANI Oo Ku Dhex Xanuunsanaya Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa
June 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mar kale ka hadlay Xadhig Xukuumaddu u geysatay Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaasi oo Xadhiggooda loo cuskaday inay si khaldan uga hadleen Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera.
Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI uu soo waajahay Xanuuno uu ka mid yahay Gaastarigu, laakiin Xukuumaddu garan weyday inay Cisbitaal geyso.