Ururka Qareenada Somaliland Oo Si Heersare ah Loogu Soo Dhaweeyey Xarunta Magaalada Jigjiga Martiqaad Rasmiya oo ay Ka heleen Dhigooda Dawlada Deegaanka Somaalida Itoobiya.
August 1, 2021 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA Mudane Xasan Cabdilaahi Cawaale ayaa maalintii shalay u ambabaxay Dawlad Deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya caasimadiisa Jigjiga ka dib Markii ay Marti qaad rasmi ah ha heleen Ururka Qareenadda ee DDS,
Waftigaas oo ay Gudoomiyaha ku wehelinayeen Gudoomiye ku xigeeenka ururka Mudane Mukhtaar Daahir Jibriil, Daahir Max’ed Faarax oo ah Guddomiyaha guddi hoosaad xidhiidhka iyo wacyigalinta Qareenadda iyo waliba xubin ka tisan ururka oo ah Garyaqaan Cigaal Almis