berberatoday.com
Baro 6 Kamid Ah Sababaha Ugu Waaweyn Ee Keena Kelyo Xanuunka
August 2, 2021 - Written by admin
- Waxyaabahan iskaga ilaali kelyahaaga dartood.
Xubin kasta oo ka mid ah jirkaaga waa muhiim, balse ma ogtahay shaqada ay kelyaha kuu hayaan?
Kaasi waa cashar maalin kale aan wada baran karno dhammaanteen, balse waxaa hubaal ah in aan ognahay muhiimadda wayn ee keliyaheenna ay noo leeyihiin.
Maanta waxay Maanfur idiin soo gudbinaysaa 6 ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee sababa cudurrada ku dhaca kelyaha.
1- Haka daahin suuliga
Marka ugu horreysa ee aad ogaato inaad musqul u baahan tahay, durbadiiba aad.
Qayb ka mid ah shaqada ay kelyaha qaabilsan yihiin waa inay jirka ka saaraan wasakhda uusan u baahnayn.
Haddii wasakhdaas xilliga loogu talo galay ay bixi wayso waxay dhibaato u keeneysaa kelyaha.
Ha ahaato kaadi ama saxaro, kelyahaaga dartood si dhakhso ah ugu fasax marka ay diyaar yihiin.
2- Iska ilaali cusbo badan
Inta badan dadku way jecel yihiin dhanaanka badan.
Balse qofka caqliga leh wuxuu cusbada badan ka cararaa maalinta uu ogaado inay kelyihiisa dilayso.
Haddii labadaada kelli ay shaqada joojiyaan waxaa halkaas kusoo afjarmaysa noloshaada, taasina waxay muujinaysaa muhiimadda ay noo leeyihiin.
Inta aad caafimaadka qabto ilaali kelyahaaga.
3- Hilib badan ha cunin
Iska ilaali inaad cunto hilib aad u badan. Hilibka badan, gaar ahaan kan guduudan iyo midka la warshadeeyay waxay culays ku keenaan hannaanka dheef shiidka oo ka mid ah shaqooyinka kelyaha.
Sidaas awgeed waxay waxyeelleeyaan kelyaha oo aan xamili karin khasaaraha ay keenayaan.
Daraasad la sameeyay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in hilibka guduudan marka la iska badiyo uu sababo nooca labaad ee cudurka sokorowga iyo waliba kansarka.
4- Kafeega badan iska yaree
Dad badan waxay u maleeyaan in maadada caffeine-ka ay ku jirto oo kaliya qaxwada ama coffee-ga.
Laakiin ogow in cabitaanno badan oo kale ay ka buuxdo maadadan, sida soda-da iyo waxyaabaha la midka ah.
Caffeine-ka badan wuxuu sare u qaadaa cadaadiska dhiigga, taasina waxay dhibaato u keeneysaa kelyahaaga.
5- Ha isku yareynin biyo cabista
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena cudurrada kelyaha waa in biyo la cabi waayo.
Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in qofka uu maalin kasta cabo ugu yaraan 4-5 liitar oo biyo ah.
Waligaa biyaha aad maalintii cabto ma gaarsiisay 2 liitar?
Haddii aad biyo kugu filan cabi wayso adiga ayaa sabab u noqday in ay kelyahaaga howlgab noqdaan.
6- Haka daahin dawada
Haddii aad isku aragto wax yar oo kalyo xanuun ah sida ugu dhakhsiyaha badan u gaar dhakhtar, si loo ogaado xaaladda soo food saartay kelyahaaga.
Marka dawooyinka laguu soo qorana ku dadaal isticmaalkooda.
Ha gaarin geer ay kelyagaaga cudur yeeshaan.
Rumeyso, kelyo xanuunka ma aha wax loo adkeysan karo xitaa hal daqiiqo.
Berberatoday.com
COMMENTS
|