“Waxan Umahad Naq Balaadhan Ujeedinayaa Mudanayaasha Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Iidoortay Inaan Hogaamiyo Iyo Shacabka Somaliland Ee Sida Dareenka Leh Usoo Dhaweeyay Doorashadayda”W/QGudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif
August 4, 2021 - Written by admin
Waxa aan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa dhammaan Mudanayaasha Xildhibaannada Golaha Wakiilada JSL oo codkooda si aqlabiyad ah iigu doortay in aan Hoggaamiyo Golaha Wakiilada, inta ii codeysay iyo inta aan ii codeyn-ba waxa aynu HAL Gole iyo Xildhibaanno ay walaaleysay danta Guud ee Qarankeenna iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aan sida oo kale u mahadnaqayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland dareenka baaxadda leh ee ay igu soo dhaweeyeen in aan Hoggaamiyo Golaha Wakiilada, Ilaahay waxa aan ka rejaynayaa in uu igu asturo mas’uuliyadda, dalkana u horseedo sinnaan, caddaalad, isla xisaabtan, dheelitirnaan iyo horumar.
Somaliland baa guuleysatay.