berberatoday.com
Waa Kuma Madaxweynaha Mayalka Adag Ee Iiraan Ee Maanta Xilka La Wareegay?
August 6, 2021 - Written by admin

Tehran(Berberatoday.com)-Ebrahim Raisi, oo ah wadaad mayal adag oo Xidhiidh  dhow la leh Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa maanta la dhaariyay ka dib markii bishii June ee sanadkan loo doortay madaxweynaha Iiraan.

Ninkan 60 sanno jirka ah oo maanta la wareegaya xilka, ayaa isku magacaabay inuu yahay qofka ugu fiican ee la dagaallami kara musuqmaasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan ay wajahday intii uu xukunka hayay Madaxweynihii isaga ka horreeyay Xassan Rouhani.

Wuxuu hore u ahaa madaxa waaxda garsoorka, wuxuuna qabaa aragtiyo siyaasadeed oo xagjir ah. Dad badan oo reer Iiraan ah iyo kuwo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya doorkii uu ku lahaa dilkii sannadihii 1980-meeyadii lagu fuliyay maxaabiis siyaasadeed.

Raisi (dhexda) madaxweyne Hassan Rouhani (qofka labaad midig) oo salaamaya Ayatollah Ali Khamenei sanadkii 2020

Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makrii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xidha dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isagoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Isagoo arday ah ayuu ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay Galbeedku taageerayeen, kaas oo xilka looga qaaday kacdoon Islaami ah oo uu hoggaaminayayAyatollah Ruhollah Khomeini.

Kaddib kacdoonka wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano.

Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday “Guddiga Dhimashada”.

Maxkamadahan ayaa “dib u maxkamadeeyay” kumannaan maxaabiis oo hore loogu xukumay xabsi sababo la xiriira inay howlo siyaasadeed ku lug lahaayeen. Badankood waxay ka tirsanaayeen kooxda mucaaradka ee Mujahedin-e Khalq (MEK), oo sidoo kalena loo yaqaanno Ururka Mujahedin ee Dadka Iiraan (PMOI).

Tirada saxda ah ee dadka ay maxkamaddu ku xukuntay dilka lama hubo, balse kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ilaa 5,000 oo rag iyo dumar isugu jira la dilay laguna aasay xabaalo aan la calaamadeyn taas oo loo arkay dembi ka dhan ah bani’aadannimada.

Hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma beeniyaan in dilalkaasi la fuliyay, balse faahfaahin kama bixiyaan kiisaska shaskhsiyaadkii la dilay.

Raisi ayaa dhowr jeer beeniyay inuu ku lug lahaa xukunnadaas dilka. Balse wuxuu sidoo kale sheegay in arrintaas uu amray hggaamiyihii hore ee Ayatollah Khomeini isla markaana loo eegay dhanka fatwada iyo diinta.

Shan sano kahor cajalad uu ku duuban yahay codka shir sanadkii 1988 dhex maray Raisi, dhowr xubnood oo kale oo garsoorka ka tirsan iyo ku xigeenkii hore ee hoggaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Hossein Ali Montazeri (1922-2009) ayaa la soo dusiyay. Waxaa la maqlayay Montazeri oo dilalkaas ku sheegaya “dembigii ugu weynaa ee taariikhda Iiraan soo mara”. Sanad kaddib Montazeri ayaa waayay fursaddii uu ku beddeli lahaa Khomeini, Ayatollah Khamenei ayaana noqday hoggaamiyaha sare kaddib geeridii Khomeini.

Raisi wuxuu ahaa imaamka masjidka Shia Imam Reza oo ku yaalla Mashhad laga bilaabo 2016 ilaa 2019

Raisi wuxuu noqday dacwad-oogaha Tehran, kaddibna ku xigeenka madaxa garsoorka, kahor intaan loo magacaabin dacwad-oogaha guud ee Iiraan sanadkii 2014.

Labo sano kaddib, Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay madaxa mid ka mid ah ururrada diimaha ee ugu muhiimsan Iiraan uguna dhaqaalahabadan ee Astan-e Quds-e Razavi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews