Al-shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogatay Nin Ay Sheegeen Inuu Aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW
August 6, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dagaalamayaasha Al-shabaab, ayaa fagaaro ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxay Shalay galinkii dambe ku dileen nin ay sheegeen inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaate.

Ninka xukunka dilka ah ay ku fuliyeen Al-shabaab, ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow Fiidoow oo ku noola deegaanka Xiindheere.