berberatoday.com
Sheekh Hassan Nasrallah Oo Ka Hadlay Weerarada Ay Is-weydaarsadeen Yuhuuda
August 9, 2021 - Written by admin

Lama soo werin wax duqeymaha oo dhacay Sabtidii, mana jiraan illaa hadda khasaare ka dhashay weerarada labada dhinac.

Jimcihii, Xizbullah, ayaa gantaallo ku tuurtay dhanka ciidamada Israel, taasi oo dhalisay in Israel ay iyana weerarto Koonfurta Lubnaan. Labada dhinac ayaa gantaalladooda la beegsaday dhul banaan, taasi oo muujisay inaanay dooneyn inay xaaladda kasii daraan.

Khudbad uu jeediyey oo lagu maamuusayey dhammaadka dagaalkii 2006 ay la galeen Israel, ayaa Nasrallah wuxuu ku sheegay in duqeymaha Israel ay yihiin “halis cusub” oo aan la arkin 15-kii sano ee tegay.

Wuxuu sheegay in kooxda ay dooneysay inay muujiso in duqeyn kasta oo Israel ay fuliso looga jawaabayo “habka ugu habboon iyo qeyb qeyb.”

“Waxaan shalay dooranay dhul banaan oo ah aagga Beeraha Shebaa, si aan farriin u dirno, iyo inaan tallaabo qaadno, balse marka dambe waxaan qaadi karnaa tallaabo kasii daran,” ayuu yidhi Nasrallah.

Gantaallada ay is-weydaarsanayaan labada dhinac, ayaa billowday Arbacadii markii gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ku dhaceen Israel, ayada oo ayna jirin cid sheegatay mas’uuliyadda. Weerarkaas, oo Xizbullah ayna ka hadlin, ayaa keenay in Israel ay jawaabto.

Xiisadda gobolka, ayaa kacsaneyd wixii ka dambeeyey weerar lagu qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey meel u dhow xeebaha Cumaan, kaasi oo lagu eedeeyey Iran. Iran way beenisay inay ku lug laheyd weerarka.

Reuters

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews