berberatoday.com
Tiro Dad Ah Oo Ku Dhintay Weerar Culus Oo Lagu Qaaday Gobolka Canfarta
August 10, 2021 - Written by admin

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Tiro dad ah, ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray, ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta, ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka, inkasta oo TPLF ayna ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad ka soo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray, ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews