Ma Dhabaa In Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici Ku Kala Aragti Duwanaayeen Cidda KULMIYE U Rabo Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda?
August 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ay ku kala aragti duwanaayeen Cidda noqonaysa Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo maalin saddexaadkii lagu kala calaf qaaday.
Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo arintani xaqiijinaya kaasi oo ku saabsan inay si cad ugu kala boodeen oo ay isku afgaran waayeen cidda ay Ka Xukuumad ahaan ku dhisayaan Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub ee dhawaan lasoo doortay haddana Wararkan ayaa sheegaya inay jirto kala aragti duwanaashiyo u dhexdooda ah. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegay inay si kala madax bannaan mid waliba dhankiisa uu u taageersanaa Cidda Shirgudoonka qabanaysa ee loo dooranayo.