Caaqil iyo Xildhibaan Reer Jabuuti Ah Oo Uruurinaya Ergooyinka Dir Ee Somaliland u Matalayaa Doorashadda Muqdisho.
August 11, 2021 - Written by admin
Caaqil Cismaan Cali Dule iyo xildhibaan hore Cilmi Nuur oo muddo todobaad ah ku sugan caasimadda Somliland ee Hargeysaa ayaa il wareedo lagu kalsoonayahay sheegayaan in ay wadaan mashruuci dib loogu soo celin lahaa madaxweynaha Somaliya ee Farmaajo.
Labadan masuul ayaa maalmahan ba ku mashquulsanaa soo uruurinta iyo tabantaabinta ergooyinka Direed ee Barlamaanka Somaliya lagu soo dooranayo kuwaaso xukuumadda Somaliland aysan war kaheyn.