Xukuumadda Somaliland Oo Baadhis Ku Samaynaysa Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacadda Barwaaqo
August 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa sheegtay in ay baadhis galinayso dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo dadka qaar ku eedeyeen in maamul koodu ka shaqeeyo arrimo diinta Islaamka khilaafsan.

Wasaarada ayaa sheegtay in madaama oo ay soo baxayaan tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , oo ah in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka ay wasaaradaha waxbarashada iyo diintu baadhi donaan waxa ka run ah tuhunada.