“Inanka Odhanaya Diinkale Ayaa Somaliland Lagu Faafiyaa, Isagaa Cadaynteeda Laga Rabaa, Dadka Odhanaya Maxaa Loo Xidhayn..Wasiir Toorno. “
August 24, 2021 - Written by admin
“Waayo Cida Diinta Nooga Lexejeclada Badani. Inan Yar Oo Diinta Cumaamad Lasoo Xidho Uhaysta Ka Yeeli Mayno”Wasiirka Waxbarashada jsl.
“Barigii Hore Somaliland Xaqdaradii Qori Ayaa Lagaga Xoreeyey Imikana Sharciga Ayaa Lagaga Xoraynayaa Dadka Beenta Ku Faafinaya Baraha Bulshada”Wasiirka Toorno.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ayaa si Adag uga hadlay dadka Dhaleeceeya Goobaha waxbarashada oo maalmihii udanbeeyay siwayn loogu Eedaynayay dugsiga Abaarso iyo jaamacada Barwaaqo isagoo Dadka wararkaa baahinaya fariin adag udiray sheegayna in Talaabo laga qaadi doono.