Dagaalo Qadhaadh Oo Maalintii Labaad Dhexmaraya Canfarta Iyo Somalida
August 26, 2021 - Written by admin
Itoobiya(Berberatoday.com)-Waxaa Maalintii labaad oo xidhiidh ah galay dagaalka degaano ku yaal Galbeedka Gobolka City ku dhexmaraya Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo la soo sheegayo in khasaaraha ka dhashay ay kordheen.
Dagaalada ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyaadka Soomaalida ay isku fidiyeen dhul horleh sida degaannada Roto, Tarayna, ilaa Birta-dheer, kuwaas oo waxyar u jira magaalada Cadayti oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Canfarta
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana labada dhinac ee dagaalamaya oo Xoolo dhaqato u badan soo kala gaaraya gurmadyo xoogan.