Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Waramay Halka Uu Marayo Heshiiskii Dekedda Berbera
June 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay safar ay isaga iyo wasiiro kale maanta ku tagayaan dalka Imaaraadka Carabta oo ujeediisu tahay tagaayo Imaraadka oo ujeedadiisu tahay heshiiska Dekadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay faragelinta Somaliya ee dhinaca Madax-dhaqameedka Somaliland, arintii saami qaybsiga ee Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiilada iyo safar uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya, waxaanu ugu horeyn yidhi“Bari (Maanta), haddii ALLE idmo ayaanu dalka ka dhoofi doonaa, waxaanan tagi doonaa dalka Imaraadka,wali wada hadalkii arinta Dekadda ayaa socdo oo muddo ayuu qaadanayaa, waana wax laga gorgortamaayo, socodaalkana waxa uu ka mid yahay socdaaladii aanu hore ugu tagnay, waxaana ilaa hadda socda wada hadalkii iyo wada xaajoodkii, waxa markii ugu horeeysay la saxeexay is afgarad guud, dabadeedna waa anagii maalin kale ku noqonay, imikana waanu noqonaynaa mar labaad, wali hawshii baa halkii ka sii soconaysa oo aanu ka wadnaa”.