Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay 805 litir Oo Maandooriye Ah, Gaadiid iyo Dadkii Dalka Soo Geliyey
August 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan khamri tiradiisu dhan tahay 805 litir, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay qayb ka mid ah dadkii siday iyo baabuurtoodii.
“Waxaanu soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqonysa 672 litir, waxanu ku qabanay gaadhiga number kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788” sida waxa yidhi taliye ka tirsan Booliiska Somaliland.