Xukuumada Somaliland Oo Hadashay Wararka Sheegaya Inay Qaabilayso Qoxooti Reer Afghanistan Ah
August 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in anay xukuumada Somaliland waxba ka ogayn wararka sheegaya in qaxooti reer Afghanistan ahi Somaliland imanayaan, isla markaana aanay jirin xog rasmi ah oo xukuumadu arrinka warbaahinta ka siisay.