berberatoday.com
Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kordhiyey Waqtiga Xafiiska UNSOM Ee Soomaaliya
August 31, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Salaasadii maanta kordhiyay wakhtiga ay sii joogayaan Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana laga dhigay illaa 31 May 2022.

Bayaan kasooo baxay Golaha maanta, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in UNSOM ay sii waddo isu-duwidda dedaallada Qaramada Midoobay, iyadoo la kordhinayo hababka iyo barnaamijyada wada-jirka ah, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Golaha ammaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqday Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay abaabulaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, lagu kalsoonaan karo, si waafaqsan heshiisyadii 17kii Sebtember 2020 iyo 27kii May 2021 iyada oo aan dib u dhac kale la sameynin.

Waxaa sidoo kale golaha ammaanku ku booriyay Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo amni oo ku habboon doorashooyin loo dhan yahay oo ka dhaca guud ahaan Soomaaliya.

Dhinaca amniga, Goluhu wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab waxayna ku boorisay maamulada Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Qaramada Midoobay inay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga xarumaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika iyo shaqaalahooda.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews