Soomaalida Iyo Canfarta Oo Isku Mari La’ Wadaxaajood Ku Aaddan Colaadda Taagan
September 5, 2021 - Written by admin
Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Soomaalida iyo Canfarta oo isku mari la’ wadaxaajood ku aaddan colaadda taagan

.Maamullada Soomaalida iyo Canfarta ayaa lagu soo warramayaa in ay isku mari la’ yihiin wadaxaajood ku aaddan colaadda ka taagan deegaannadii ay dhawaan ku dagaallameen, wadahadalladaas oo uga socda magaalada Awaash.
Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa u kala dab qaadaysa labada dhinac oo colaaddoodaa ay salka ku hayso deegaanno ay ku muransan yihiin.