Madaxweyne Biixi Oo Wadda Qorshe Dib Loogu Istaadhayo Jeegaanta
September 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu shirar doceed-yo la lahaa Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Beesha,kuwaas oo u sheegay in loo baahan yahay in dib la isugu soo ururriyo taageerayaasha Xisbiga,isla markaana dib loo hawlgeliyo guddiyaddii.
Siyaasi Maxamed Qarbooshe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kullan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise Muuse,kaas oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu kala hadlay arrimahan“Kullankaas waxa la kulmay Madaxweynaha dhawr iyo toban illaa labaatan nin,kullan-kaas oo iskugu jira dhawr nooc qollada siyaasiyiinta ahi waxay ahayeen qaar rajanayey inay sannadkaa Madaxweynaha u hadhay ay kuraasi ka hellaan, Madax-dhaqameedkana waxa hoggaaminayey qoladda siyaasiyiinta ah oo iyagana Madaxweynuhu u yeedhay oo uu yidhi waxaan doonnayaa in dadkii la isku soo ururriyo oo degmaddii iyo Gobolkii iyo guddiyaddii reerka iyo wax la isku soo ururriyo “ ayuu yidhi Maxamed Qarbooshe