“Sadbursiimada Iyo Sawirkaa Foosha Xumi Wuxuu Ceelalyo U yahay In La Gacan Togaaleeyo Fursadaha Shaqo Ee Soo Baxa Qaranka”.Xoghaye Maxamed Sidiiq. H
September 6, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Arimaha bulshada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Maxamed Sidiiq Dhame ayaa nasiib Daro ku tilmaamay in haayadaha dawlada qaarkood xilalkooda Loo magacaabo masuuliyiin isku beel ah ismarkaana ay taasi noqonayso sadbursiimo iyo sawir fool xumo usoo jeediya qaranka Somaliland oo ka dhexeeya bulshada ku kala nool laas qoray ilaa lowyo cado.
