Nuxurka Warqad Lagu Baahiyay Baraha Bulshada Oo Soo Bandhigtay Cida Uu Uxidhanyahay TVga Horn Cable
June 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo HCTV la sheegayo in laga saaray Sattelite-ka Thaicom 5 ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in maamulka dawlad deegaan Somalida Itoobiya ay shirkaadaasi ka codsadeen in hawada laga saaro TVgaas.
Warqad kasoo baxday Madaxa xafiiska wasaarada Isgaadhsiinta ee dawlada deegaan Somalida Itoobiya oo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa shirkada Thaicom 5 lagaga codsaday in HCTV hawada laga saaro kadib markii ay baahiyeen dad ciidamada Liyuu Booliisku ku dileen Deegaanka Jaamac Dubad ee Gobolka Gaashaamo.
warqadan wasaarada ka soo baxday waxa kale oo lagu xusay in deegaanaasi oo nabad cago badan aan ku taagnaynin ka jirto uu HCTV warkiisu dhib u gaysan karo. waxayna intaasi ii raaciyeen inay cabasho HCTV ka dhan ah ay uga gudbiyeen dawlada Federaalka ee Soomaaliya balse may xusin jawaabta ay ka soo bisay Soomaaliya.
waxa warqada oo ku qoran luuqada Ingiriisa lagu soo
gaba-gabeyey inay ismaamulka kilalka shanaad uu rajaynayo in tallaabo deg-deg ah uu Thaicom 5 ka qaadi doono Hctv”