Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Cashuur Laga Qaadi Doono Cuntada Karsan, Cabitaannada, Hurdada Iyo Xafladahaba
September 17, 2021 - Written by admin
Xukuumadda, ayaa fulinta arrintan u maraysa Xeerka guud ee Dakhliga Dawlada Somaliland oo waajibinaya

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay dardar-gelinayso fulinta awaamiirta uu waajibinayo Xeerka guud ee Dakhliga Dawladda, kaasi oo waajib ka dhigaya in la cashuuro Cuntada ay Huteelladu sameeyaan, Cabitaannada, Hoteellada la seexdo iyo Xafladaha lagu qabto Magaalooyinka Somaliland.