Premier League: Kooxaha Isu-beegan Toddobaadkan Iyo Saadaasha Ciyaaryahan Hire Meachel Owen
September 18, 2021 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa kulanka ugu adag ee toddobaadkan dhacaya ku ballansan labada kooxood ee isku magaalada ah ee Tottenham iyo Chelsea oo ku wada ciyaaraya magaalada London, laakiin kaligood ma aha, waxa se kale oo jira kulamo kale oo adag.
Horyaalka oo galay toddobaadkiisii shanaad, waxa hoggaankiisa u dagaallamaya saddexda kooxood ee Chelsea, Manchester United iyo Liverpool oo min 10 dhibcood haysta, kana siman goolasha oo min 8 gool haysta.