Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ku Dhaliilay Amaan Darada Laascaanood
September 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in anay daacad ka ahayn sugida amaanka magaalada Laascaanood.
Xoghayeha ayaa sheegay in wasiir Maxammed Kaahin oo xukuumada u qaabilsan amaanka uu safar ku tagay gobolada galbeed ee Somaliland, isagoo sheegay in looga baahnaa in uu tago gobolka Sool oo uu u kuur galo xaalada amaan ee gobolka.