Hooyo Iyo Labba Carruur Ah Oo Lagu Xasuuqay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho
September 27, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.
Afhayeenka ciidanka Booliska waxa uu sheegay qaraxa inuu ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo uu la socday naftii hallige isku qarxiyay goobta gaadiidka lagu baadhayay.
Wuxuu afhayeenku sheegay inuu khasaaraha dhimashadu intaas kasii badan karo ayna jiraan 9 dhaawac ah iyo dad kale oo ay eheladoodu la carareen markii uu qaraxu dhacay.