Madaxweyne Biixi Oo Digreeto Aamusan Agaasimeyaal Ku Magacaabay, Qaar Isku Beddelay, Kuwo Kalena Xilalkii Kaga Qaaday
September 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay Magacaabis, Isku-beddel iyo Xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda.
Ma Jirto Wareegto rasmiya oo Warbaahinta ka soo gaadhay Madaxtooyada, balse Ilo-wareedy kala duwan, ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Isku-shaandhayn ku sameeyay Xubno ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaadaha Qaranka, xilka qaarna uu xilalkii ka qaaday.