“Waar Dadkii Waa Dhimanayaan Ee Waa In Aynu Wacyigelin U Sameynaa”Guddoomiye Saleebaan:
September 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa guddi wacyigelineed oo ka kooban xildhibaannada Golahaas u saaray khatarta cudurka COVID-19 oo xilligan faro-baas ku haya bulshada.
Guddoomiye Saleebaan oo shir-guddoominayey fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo loo qaybiyay Xeerka Aasaaska hay’adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha Dawladda oo dhawaan ka soo gudbay Golaha wakiillada, ayaa ka hadlay khatarta uu xannuunku xilligan ku hayo bulshada oo uu sheegay inaanay u hoggaansamin digniinaha khatarta xannuunka laga siiyey.“Dad badan ayaa diidan inay is talaalaan, dad badan ayaa diidan inay is-takooraan haddii xannuun ku dhaco. Waxaa loo baahan yahay in aynu wacyigelin sameyno.