Malawi”Siyaasi Isku Dhex Dilay Gudaha Xarun Baarlamaanka
October 2, 2021 - Written by admin
Malawi(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlamaanka dalkaasi.
Clement Chiwaya, oo 50 sanno jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybgalay kulan looga hadlayay faa’iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.
Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska.