Suhayb Maxamed Cali Oo Loo Soo Magacaabay Xoghayaha Maamulka Dawlada Hoose Iyo Xoghayihii Hore Hore Oo Xilka Laga Qaaday
October 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa Xoghayaha Maamulka dawlada hoose ee Berbera usoo magacawday Suhayb Maxamed Cali oo kamid dhalinayarad reer Berbera ee qadiimka ah sidoo kalena waxa xilkii laga qaaday Cabdikariim Aadan Cadde oo mudo 6 sano iyo badha xilkaasi soo hayay isaga oo hore xilkana ugala wareegay isla Xoghayaha Maanta bedelaya Suhayb Maxamed Cali oo isagu markii labaad Xogahayaha Dawlada Hoose ee Berbera noqonaya,
Suhayb Maxamed Cali waxa uu hada kamid ahaa ganacsatada Berbera ee kaluunka soo dajiya islamarkaana gobolada dalka u iib geeya sidoo kalena Waxa uu leeyahay goob baraf soosaar oo kutaala Dekeda kaluunka ee Berbera oo dadka iyo gaadiidka baduba ku xidhanyihiin.