berberatoday.com
Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfurtay Xafiis Adeegyada Wadajirka Ah Ee Laanta Socdaalka.
October 6, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan wasiirka wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo taliyaha laanta socdaalka ayaa maanta si rasmiya u daahfuray xafiiska adeegyada wada jirka ah ee xarunta laanta socdaalka ee Somaliland.
Xafiiskan ayay si wada jir ah uga wada hawlgeli doonaan hawlwadeenno ka kala tirsan wasaaradaha horumarinta maaliyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada iyo ciidanka Laanta socdaalka ee Somaliland, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo sheegay inay mideeyeen adeegyadii kala duwanaa ee markii hore ay dadku ka kala doonan jireen wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan, taasoo uu sheegay in markii hore lagu qabay dhib weyn, waxaana uu tilmaamay in dadku ay imikka adeegga ogolaanshaha fiisayaasha iyo goorta ay dhacayaan ay ka helayaan xafiiskan wada jirka ah ee loo sameeyay.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in xafiiskani uu fududayn doono la socodka dadka ajaanibka ah ee ku sugan dalka, marka ay fiisayaashu ka dhacaan, taasoo uu tilmaamay in lagu ogaanayo hab online ah oo casriya.
Geobgebadii, wasiirka maaliyaddu waxa uu u mahadceliyay wasiirka shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Mustafe Cali Bile iyo taliyaha laanta socdaalka sarreeye guuto Dayib Cismaan Caalin oo uu sheegay in aanay la’aatood suurogasheen in si wada jir ah loo furo adeegga xafiiskan ka dhaxeyn doona hay’adaha dawladda, isagoo xusay in lagu faani karo in xafiis sidaas casri ah oo ka dhexeeya laga furo dalka, taasoo aan ajnabi waxba ku lahayn.
Weriye Khadar horyaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews