Norway”Nin Leeb Iyo Qaanso Ku Nafta Kaga Jaray Shan Ruux
October 14, 2021 - Written by admin
Norway(Berberatoday.com)-Afar qof oo dumar ah iyo mid rag ay ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib weerar ka dhacay Norway oo loo adeegsaday qaanso iyo leeb.
Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baadhi doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.
Taliyaha Booliska Norway, Ole Bredrup Saeverud, oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhammaan dadka dhibaatada ay soo gaadhay ay da’ ahaan u kala dhexeeyaan 50 illaa 70 jirro.
Dhacdadaas waa mid “laga argagaxo”, ayay tiri Ra’iisul Wasaaraha Norway, Erna Solberg, taas oo hadashay saacado ka hor intii aysan xilka ka degin.
“Waan fahmayaa in dad badan ay baqayaan, balse waa muhiim in la sheego in booliska ay xakameynayaan hadda”, ayay tiri.
Waxaa jira warar sheegaya in booliska iyo qofka weerrarka soo qaaday ay isfarasaareen ka hor inta aanan ugu dambayntii la qaban 18:47 ee waqtiga maxalliga ah.
Qof goobjooge ahaa ayaa TV2 u sheegay in ay maqashay qaylo iyo buuq ayna aragtay haween isqarinaysa, kaddib waxaan arkay “nin dhinac la taagan fallaaro dhabarka ugu jira iyo qaanso uu gacanta ku watay”, sida ay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
“Markaas kaddib waxaan arkay dad noloshooda la baxsanaya. Midkood waxa ay aheyd haweeney gacanta haysata canug yar,” ayey ku dartay.
Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya haddii qofka weerrarka soo qaaday uu hub kale isticmaalay inta uu weerrarka socday, Chief Aas ayaa sidaasi ku warramay.
Qofka laga shakisan yahay ayaa waxa uu maray dhul ballaaran, mas’uuliyiintuna waxa ay xireen dhowr qeyb oo magaaladaasi ah. Dadka deegaanka ayaa waxaa lagu amray in aanay guryaha ka soo bixin si mas’uuliyiinta ay u baaraan goobta caddaymahana ay u uruursadaan.
Qofka laga shakisan yahay ayaa waxaa la geeyay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Drammen.
Tobannaan gawaariga gurmadka degdega ah ayaa la geeyay goobta, oo ay ku jiraan ambalaasyo, gawaarida booliska iyo xitaa diyaaradaha qummaatiga u kaca.
Wasiirka Cadaaladda ee Norway Monica Maeland ayaa sheegtay in la soo gaarsiiyay waxa ay dhacay si dhawna ay xaaladda ula socon doonto, waxaa sidaasi lagu shaaciyay farriin wasaaradda ay soo dhigtay barta Twitter-ka.
Madaxa booliska ee dalkaasi ayaa amray dhammaan askarta booliska inay hubka qaataan si taxadar dheeraad ah loo sameeyo. Caadiyan booliska dalkaasi ayaanan hubaysnayn.
“Booliska illaa hadda ma hayaan in wax laga badalay heerka halista qaranka,” taliska booliska ayaa sidaasi ku sheegay bayan uu soo saaray (oo ku qornaa afka Norwegian-ka).