Alshabaab Oo Weerartay Saldhig Ciidamada Putland Ku Leeyihiin Tuulada Af Urur
October 17, 2021 - Written by admin
Bosaso(Berberatoday.com)-Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada difaaca dowladda Puntland ku leeyihiin tuulada Af-Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.
Wararku waxay sheegayaan, in Al-shabaab madaafiic ku rideen saldhiga kadibna ciidamada difaaca Puntland ay kaga jawaabeen hubka culus.
Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, balse kama hadlin haddii uu khasaare jiro.
Dad kala duwan oo ku sugan tuulada Af-Urur, ayaa sidoo kale sheegay in subaxnimadii hore ee saaka maqleen rasaas ka dhacaysay dhinaca saldhiga ciidamada