berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qeyb Galay Xuska 37aad Ee Mujaahidiintii SNM Ee Ku Shahiiday Dagaalkii Burca Duuray Sanadkii 1984 17 October
October 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 37-guurada kasoo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo sannad walba dalka laga xuso.
Xubno kala duwan oo ay kamid yihiin Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed, guddoomiye-ku-xigeenka jimciyadda SOOYAAL, Mujaahid Yuusuf Maydal Cumar, Xildhibaan hore Mujaahid Axmed Xasan Aadan Waysacadde iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda horumarinta xannaanada Xoolaha, Marwo Yurub Abiib Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda si waafi ah u sharraxay taariikhda ururkii SNM iyo halgankii qadhaadhaa ee lasoo maray, waxana ay tilmaameen in bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba mujaahidiintaas u hayaan xurmo iyo ixtiraam buuxa, abaalkoodiina ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan.
Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dagaalkii lagaga hortegay macangeggii Siyaad Barre uu ahaa mid Soomaali oo dhammi ka siman tahay, islamarkaana ay maanta dhammaan dadka Somaliland ku nooli si siman loo dheefsanayo midhihii ay SNM keentay, waxana uu yidhi, “Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd.”
Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in shacabka loo baahan yahay inay dalkooda dib u dhistaan, mustaqbalkoodana ku dhaabadeeyaan taariikhdii shuhadada iyo halgamayaashii xorriyadda keenay, “Waxa inala gudboon inaynu ku talogalno wixii dhacay kasoo kabashadooda iyo horumarka mustaqbalkeenna inaynu ku dhisno dhiigga shuhadada faraha badan ee taariikhda dheer leh ee dalkan usoo halgantay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabd.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews