berberatoday.com
Dawladda Taiwan Oo Ka Jawaabtay War-bixin Warbaahinta Shiinuhu Ku Sheegtay In Taiwan Laaluush Siisay Siyaasiyiinta Somaliland!
October 18, 2021 - Written by admin

Taiwan(Berberatoday.com)-Dawladda Taiwan, ayaa cambaaraysay Warar ay baahisay Warbaahinta Shiinaha, gaar ahaan Wargeyska Global Times, kaasi oo qoray War-bixin uu ku sheegayo in Taiwan ay laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey warar sheegtay inay been abuur yihiin oo ku saabsan in Xisbiga Horumarinta Dimuqraadiga (DPP) ee xukuma dalka Taiwan uu laaluush siiyey siyaasiyiinta Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan  Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay ‘in lagu sumeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan..” waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews