Loolankii Musharaxnimada Kulmiye Oo Meel Adag Maraya Iyo Wasiir Hankiisii Lagu Gacan Saydhay
October 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka caafimaadka somaliland Xasan Gafaadhi, ayaa safar booqasho iyo olole isugu jira ku jooga degmada caynaba, ee xarunta gobolka Saraar
Wasiirka oo kormeer, ku sameeyay qaybo ka mid ah goobaha caafimaadka ee wasaaraddiisu maamusho, ayaa wararku xaqiijiyeen inaanu u socon kormeerkooda balse uu dhuumanayo.
Wasiirka iyo odayaasha deegaanka uu ka soo jeedo ayaa kulano yeeshay kuwaas oo qarsoodi ah isla markaana laga qariyay warbaahinta