Xukuumadda Oo Doonaysa In Codadka Qurbe-joogta Somaliland Looga Faa’idaysto Qadiyadda Itciraaf-raadinta
October 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamed, ayaa ka hadlay jidka uu u marayo ictiraaf-raadinta Somaliland.
Wasiir Ciise Kayd wuxuu sheegay in xafiisyada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalalka dibeddu aanay noqon doonin kuwo dhaqdhaqaaqooda la arko xusaska 18-ka May oo keliya, balse hadda ka dib laga dhigi doono kuwo qabta hawl-maalmeed joogto ah, si meel-dheer loo gaadhsiiyo Qadiyadda Ictiraaf-raadinta, isaguna ka Wasiir ahaan uu Masuuliyiinta Dawladaha Shisheeye la kulmi doono marka uu dalalkooda booqdo, halkii wakhtiyadii hore Wasiirrada Xukuumadda ka socdaa khudbado keliya ka jeedin jireen Xaflado Qurbe-joogto ugu qabtaan Hoteellada dalalka ay booqashada ku tagaan.