Ciidanka Booliska Berbera Oo Xabsiga Utaxaabay Gudidii Qabanqaabada Shirka Beesha Gobolka Saaxil
October 20, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-habeenkii xalay abaara 1dii habeenimo ayaa laga soo xidhay degmada Laasadacawo Gudidii qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse oo deegaankaas isla xalay utagay ugogol xaadhka Madasha shirkaas lagu qabanayo oo loo asteeyay Magaaladaas Lasadacawo, waxaana halkaas tagay ciidan tiro badan oo wata gaadiidka gaashaaman.
Amarka xadhigooda ayaa lala xidhiidhiyay inuu kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil sida ay ii sheegeen xubno kamida gudidaas oo xalay ila soo xidhiidhay markii lagu soo waday Saldhiga dhexe ee Berbera oo ilaa hada ay ku xidhan yihiin.