20 Sanno Kaddib Nin Soomaali Ah Oo Xubin Ka Noqday G. Deegaanka Turino Ee Talyaaniga
October 23, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-20 sanno kaddib, ayaa markii ugu horraysay nin Soomaali ah wuxuu xubin ka noqday golaha deegaanka ee magaalada Turino ee dalka Talyaaniga.
Cabdullaahi Axmed Macalin oo wareysi siiyay BBC Soomaali ah, ayaa sheegay sababta uu uga mid noqday golaha deegaanka Turina, in ay tahay sidii uu ugu qareemi lahaa Soomaalida soo galootiga ku ah Talyaaniga.