Liverpool Oo Guuldarro Xanuun Badan Dhabarka Usaarisay Mancheste United Ay Ku Booqatay Garoonkeeda Old Trafford Iyo Maxamed Salax Oo Sadexlay Kadhaliyay
October 25, 2021 - Written by admin
Mancheste(Berberatoday.com)-Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan dhabarka u saarisay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, Kulankii ugu xiisaha badan toddobaadkan horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.
Daqiiqadii daqiiqadii 8-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Naby Keïta, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mohamed Salah.