Isbahaysi Ka Dhan Ah Raysal Wasaare Abiye Axmed Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey Dagaalka Itoobiya.
November 7, 2021 - Written by admin
Addisababa(Berberatoday.com)-Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.
Ururadani ayaa durbo bilaabay olole ballaaran oo la doonaya in xukunka looga tuuro Abiy Axmed, xoog iyo wada-hadal kii ay noqoto.
Sidoo kale ururada mucaaradka ah ee ku kacsan Abiy ayaa qorsheynaya in marka laga adkaayo, ama la burburiyo xukuumadda in la sameeyo maamul ku meel gaar ah.