Nolol Maalmeedkii Shacabka Somaliland Oo Cidhiidhi Galay, Sicirkii Quutal Daruuriga Oo Faraha Ka Baxay Iyo Qorshe La’aanta Xukuumadda Muuse Biixi
   November 9, 2021 - Written by admin
       
       
   
    
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddexdii Toddobaad ee ugu dambeeyey waxa cirka isku shareeray qiimaha badeecooyinka quutal daruuriga ah, shidaalka iyo gaasta wax lagu karsado taasi oo gabi ahaanba cidhiidhi galisay nolosha marka horeba iska liidatay ee shacabka Somaliland oo u badan dad danyar ah oo aan waxba haysan, halka taa baddalkeeda illaa imika aanay xukuumadda Somaliland wax tallaabo ah qaadin.
