“Baydhaba waxaan Utagayaa Si Aan Usoo Raalligeliyo Dadkii Laga Soo Mastaafuriyey Somaliland..”Boqor Cismaan Buurmadaw”Daawo Muuqaal
November 17, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland, oo maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu Baydhabo tagayo, si uu reer Koonfur-galbeed uga raali-galiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland kaga saartay ciideeda.
Buurmadow ayaa sheegay in isaga iyo madax-dhaqameed kale, ay u safrayaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, si ay raaligalin uga bixiyaan tarxiilka.