|
berberatoday.com
“Waxay U Eeg Tahay Inuu Madaxwayne Muuse Biixi Ka Jawaabayey Warbixin La Sheegay Inay Kasoo Yeedhay Xoghayaha Arimaha Africa Uqaabilsan Ingiriiska Vicky Ford”W/Q Maxamed Dhimbiil
November 20, 2021 - Written by adminVicky Ford oo ka jawaabaysay ayaa tidhi ingiriisku uma aqoonsan doono Jamhuuriyada Somaliland dal gaar ah , arinkaasi waxa uu u yaalaa Somaliland iyo Somalia , waana sida ay beesha caalamku Aaminsan tahay ingiriiskuna waxa uu ka mid yahay beesha caalamka.
Wasiir Ford waxa kale oo ay sheegtay in ay Somaliland xidhiidh diblomasiyadeed la leeyihiin kana taageeraan wax badan , diyaarna ay u yihiin in ingiriisku sii waddo xidhiidhka saaxiibtinnimo jamhuuriyada Somaliland iyo dawlada UK oo ah mid fac weyn oo taariikhi ah.
Hadalka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee uu ka jeediyey Madaarka caalamiga ah ee Berbera ayuu wax ka taataabtay siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah , hadalkiisii waxa ka mid ahaa ;
Siyaasada arimaha dibadu waxa ay ku xidhan tahay dalwalba waxa uu ku gashado iyo sida uu kuu ixtiraamo, mar kale haddana waxa uu yidhi Somaliland ma arki doonto cidwaliba oo ka soo horjeeda jiritaankeega…
Odhaahyadani waxa ay ka mid yihiin hadalo goos-goos ah oo qoraal ay warbaahintu hadalka madaxweynaha ka soo qaateen inagula wadaageen baraha bulshada , ujeedada hadalkani ayaa dadka qaar kalena u qaateen in uu Ethiopia iyo Abiy u duurxulayo sida Mustafe Barud oo kale.
Isku soo wada xoori waa fatiin si guud loo direy cidwaliba ha ku socoto e oo xiligani ka turjumeysa Siyaasada arimaha dibada jamhuuriyada Somaliland iyo fariinta ay xambaarsan tahay…
Mohamed Abdi Jama
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||