Booliska KENYA Oo Baadhitaan Ku Billaabay Kiiska Wariye U Dhalatay Ingiriiska Lagu Dilay Nairobi
November 22, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Booliska Kenya ayaa billaabay baadhitaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska lana shaqeyneysay BBC Media Action isla markaana ka howlgaleysay dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa geeriyootay Jimcihii xilli ay ku sugneyd huteelkii ay ka dagganeyd magaaladaas.