|
berberatoday.com
“Waddani Wuxuu Bedelay Majarihii Siyaasadeed Ee Somaliland Siyaasadeeda Cagajiidka Kadhigay, Waxay Muujiyeen Garaad Iyo Korriin Siyaasadeed Oo Muuqda”Ambasador Xasan Yasin Hirad
November 26, 2021 - Written by admin![]() Xisbiga #Waddani wuxuu bedelay majarihii siyaasadeed ee #Somaliland siyaasadeeda cagajiidka kadhigay, waxay muujiyeen garaad iyo korriin siyaasadeed oo muuqda, waxay siwayn u muujiyeen inuu isutanaasulku yahay awoodda guusha lagu hantiyo, waxay fahmeen soojiidashada kawaadirka siyaasiyiinta Somaliland yahay awood lagu gaadhikaro himilada iyo hanka xisbiga, waxay garawsadeen oo darseen in badbaadada xisbiga iyo hanashada quluubta codeeyeyaasha lagu kasban karo shax cusub oo lagusoo kordhiyo saaxadda siyaasadda iyo dhalinyarada #Somaliland ee hankasare leh oo lagu abaalmariyo sisharfan. Waxaad jeexdeen wado cusub. Waxaan hubaa in doorashada Madaxweynaha JSL ee soosocata lagu tartami doono Afkaar ee aan reernimo lagutartmi doonin.
Waddani waxaan Leeyahay hambalyo ilaahay haydinka dhigo kuwo dalkooda hore intaa kabadan u horseeda.
COMMENTS
|
||||
|